Juje Posted September 1, 2007 Ergooyinkii ka qeybgalay Shirweynihii ka socday Muqdisho oo qaarkood Deymo farqaha loo heysto, ka dib markii uu soo afjarmay Shirkii ay ka qeybgalayeen Mogadishu, Sabti , September 01 2007 SMC Ka dib markii uu soo afjarmay shirweynihii Muqdisho ka soconayey ayaa waxaa durba soo if baxday in ergooyinka ay bilaabaan qabanqaabada scodaalkoodii goobaha aya ka kala yimaadeen, iyaga oo dhinaca illaa maanta quud dareynayey sidii ay u heli lahaayeen lacagihii loo qorsheeyey mudadii uu socday shirweynaha. Ergooyinkan oo mudadii shirika ku sugnaa Hoteelo iyo goobo gaar ahaaneed ayaa waxaa Muuqaneysa in lagu wargaliyey in waqtigoodii uu idlaaday isla markaana laga doonayo qarashaadkii ay ku deganaayeen Hoteelada, inkastoo inta badan Hoteelada iyo Xarumaha kale ay si toos ah ula hishiiyeen shirgudoonka hadana waxa ay dhibaato ka taagned dad iyagu sii deyn gashaday Ergooyinka. Deymaha gaar ahaaneed ee lagu yeeshay Ergooyinka ayaa waxaa ka mid ah , Qarashaad ku baxay Adeegyada Muhiimka ah sida Isgaarsiinta, hagaajinta martida iyo arimo kale , waxaana illaa shalay iyo maanta la arkayey dad aad u fara badan oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo farqaha heysta Ergooyinkii ay deyn gashadeen. Mid ka mid ah Ergooyinka oo aan wax ka weydiinay arintan ayaa waxa uu inoo sheegay in dadkan ay ku balamiyeen in ay noo yimaadaan marka aan wax qaadano, waxa uuna carabka ku adkeeyey in aysan weli jirin wax qarashaad ah oo ay weli qaateen. Ergooyinka Shirweynaha dib u hishiisiinta ee Mudada 45-ta Cesho ka socday Magaalada Muqdisho ayaa weli waxa ay ku noqnoqnayaan Xarunta Maamulka Shirka ee Hotel Amaana, inkastoo Shir gudoonka uu sheegay in qof waliba uu qarashaadkiisa u doonan karo shirkada Dahab shiil hadana weli waxaa Muuqaneysa in ergooyinku aysan weli soo gaarin wax Qarashaad ah. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites