Sign in to follow this  
Deeq A.

Sweden oo ku gacan-saydhay inay Turkiga u gacan galiso weriye ay aad u doon-doonayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Sweden oo ku gacan-saydhay inay Turkiga u gacan galiso weriye ay aad u doon-doonayeen

Maxkamadda Sare eE dalka Sweden ayaa joojisay in dalka Turkiga loo gacan galiyo weriye Turki ah oo lagu eedeeyey in uu ku lug lahaa isku daygii afgambi ee ka dhacay Turkiga sanadkii 2016kii.

War ay soo saaraty maxkamadda ayaa lagu sheegay in tallaabadaas la joojiyey iyadoo sabab looga dhigay in dambiyada lagu soo eedeyey Bülent Kenes ay ahaayeen kuwo siyaasadeed uuna ninkaas haysto aqqoonsi qaxootinimo oo dalka Sweden ah.

Turkiga ayaa ku hanjabayey in uu Sweden ka horjoogsan doono in ay ku biirto NATO isagoo ku eedeynaya waxa ay ku tilmaantay ururo argagixiso

Kenes ayaa tafaftire ka ahaa wargeys afka Ingiriis ku soo baxa oo la yiraahdo Zamana oo ay albaabada isugu dhufatay dowaldda Turkigaka dib afgambigii dhicisoobay .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this