Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada sare ee UK oo go’aan ka gaadhay in dadka magan-galyo doonka ah loo diri karo Rwanda & inkale

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada sare ee UK oo go’aan ka gaadhay in dadka magan-galyo doonka ah loo diri karo Rwanda & inkale

uk.jpg

Home Office-ku waxa uu ku guulaystay tartan sharciyeed oo ka dhan ah siyaasadiisa ah in dadka magangelyo-doonka ah ee Jooga UK loo qaado Rwanda.

Go’aankan ayaa hadda waxaa ku dhawaaqay garsoorayaasha maxkamadda sare ee magaalada London.

Garsooraha maxkamada sare ayaa sheegay in go’aanka ogolaanshaha racfaanka dib loo dhigay ilaa 16ka Janaayo 2023.

Waxaa si weyn loo filayey in qofkii laga guulaysto dacwadda maanta uu racfaan qaadan doono, taasoo la micno ah in diyaaraduhu aysan si degdeg ah u duulin si ay qof magangalyo doon ah ugu qaadaan Rwanda.

Xildhibaan Caroline Lucas oo laga soo doorto deegaanka Cagaaran ayaa xukunka ku tilmaantay “Niyad jab aad u weyn”.

Rajada ay dowlada Britian qabto ayaa ah in UK ay noqon karto goob ay dadka magangalyoo doonka ka waereegaan haddiiba dadka loo diri karo Rwanda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this