Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxkamaddii Al-Shabaab ee Ceel Cali oo la burburiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad oo maanta qaaday howlgal culus ayaa bartilmaameedsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka deegaanka Lambar 50 oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa burburiyay xarun maxkamadeed oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali oo qiyaastii 15 KM dhanka xeebta ka xiga Lambar 50.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha ciidamada Haramcad Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax oo haatan ku sugan jiida hore ee dagaalka ee Shabeelaha Hoose.

“Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa burburinta goobo cadowgu Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deegaankaas iyo maxkamad beenaad ay ugu yaraan Dadka,” aya lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shababa ee haatan ka socda halkaasi.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelooyinka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan waheysa kacdoonkii ugu ballaarnaa ee abid lagu qaado, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

320937484_663440441917811_57643668223229 319546526_537464544991659_78844310855745 319703845_1414918898912894_1448184629375 319730193_711089033929060_43061972573637 319854630_955063548792503_35056423493190 320016679_829141404858107_34579544461563

 

The post Sawirro: Maxkamaddii Al-Shabaab ee Ceel Cali oo la burburiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this