Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf xooggan oo ka dhex taagan urur siyaasadeedka Shaqaalaha ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1671435200661.jpg?resize=720%2C48Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Shaqaalaha

Khilaaf xooggan ayaa weli ka dhex taagan urur siyaasadeedka Shaqaalaha ee Puntland.

Xubnihii as’aasay urur siyaasadeedkan ayaa laba garab noqday waxaana garab kasta sheeganayaa in uu isago saxan yahay.

Garab kamid ah ururkan ayaa lix ku noqday shan urur siyaasadeed oo heshiis la saxiixday madaxweynaha Puntland.

Garabkii kale ee ururka ayaa saxiixay baaq ay soo saareen urur siyaasadeedyo diiddan heshiiskaas.

Khilaafka urur siyaasadeedka Shaqaalaha ayaa marar kala duwan la isku dayay in la xalliyo balse weli laguma guulaysan.

PUNTLAND POST

The post Khilaaf xooggan oo ka dhex taagan urur siyaasadeedka Shaqaalaha ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this