Jacaylbaro Posted February 15, 2010 Hargaysa(Qaran News)- Warar aanu ka helnay Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Waaheen u xaqiijiyay inay Dawladda Yemani Somalilnd u soo dirtay Diblamaasiyiin Sare oo Xafiis Diblomaasiyadeed oo Dalkaasi leeyahay ka furi doona Hargeysa Talaabadan ayaa noqonaysa Guushii labaad ee Somaliland u soo hoyata ee dhinaca Diblamaasiyadda. Hore waxa xafiis safiir ka madax yahay ku lahayd JSL dawladda Ethiopia, iyada oo sidoo kale heshiis hore dhexmaray Dawaladda Djibouti iyo JSL inay isweydaarsadaan xafiisyo diblomaasiyadeed. Xafiiskan cusub ee Yemen ku yeelan doonto JSL ayaa la filayaa inuu wax badan ka taro xidhiidhka siyaasadeed, militari iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya labada dal ee wadaaga badda GACANKA CADAN. Ilaa hada ma cada rasmiyan goorta la furayo Xafiiskan balse warka arrinta la xidhiidhaa waxay sheegayaan inay wufuud ka socota Yemeni ay ku soo fool leeyihiin JSL maalmaha soo socda. Quote Share this post Link to post Share on other sites