Deeq A. Posted December 19, 2022 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Qurbojoogta Puntland oo muddo saddex Beri ah ka socon doona Caasimada Garoowe. Shirweynaha ayaa waxaa isugu yimi Qurbojoogta Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoonkooda, waxaana maalmaha uu socdo ay ka doodi doonaan arrimo Dhowr ah sida Waxyaabaha u qabsoomay, Sidii ay u horumarin lahaayeen doorkooda ku aadan horumarka Puntland, Maalgashiga iyo kaalintooda Dowladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay kaalinta Qurbojoogta Puntland, wuxuuna u rajeeyay in Shirka uu kasoo baxo maxsuul ku dhisan qorsheyaal jaango’an oo ku saabsan horumarka dhinac walba Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya. Waxaa Munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Ururada Bulshada, Ganacsato, Haldoorka Puntland iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casumay. PUNTLAND POST The post Shirweynaha Qurba-joogta Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites