Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Qatar Charity oo mashaariic ka fulinaysa Barakacayaasha Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
vlcsnap-2022-12-19-18h29m21s546.png?resi

Hay’adda Khayriga ah ee Qatar Charity ayaa garoon casri ah oo kubadda lagu ciyaaro ka hirgelinaysa xaafadda Jillab ee Barakacayaasha Garoowe.

Madaxa hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Macallin   iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe, oo ay wehiyaan bahda Sports-ka ayaa maanta si wadajir ah xaafaddaas uga dhagax-dhigay dhismaha garoonka cusub.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha garoonkan waxaa bixisay dowladda Qatar, waxaana hawsha dhismaha fulinaysa hay’adda khayriga ah ee Qatar Charity, halka dhulka ay ku deeqday dowladda hoose ee Garoowe.

Madaxa hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Macallin ayaa goobta dhagax-dhigga ka sheegay in garoonkan cusub noqon doono mid loo adeegsado horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka bulshada, islamarkaana habeen iyo maalinba lagu ciyaaro karo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Garoowe Maxamed Cali Maxamed (Xamari) ayaa dhankiisa sheegay in dhulka laga dhisayo garoonka cusub, oo ay bixisay dowladda hoose uu yahay mid loo jaray danta guud.

Intaas kadib, hay’adda hay’adda khayriga ah ee Qatar Charity ayaa mas’uuliyiinta degmada iyo bahda sports-ka ku wareejisay agab sports oo dhammaystiran, kaas oo loogu tala-galay in dhalinyaradu ku ciyaarto.

Qorshayaashaan ayaa barbar socday barnaamijiki shaashada laga daawanayay ciyaaraha mudadi World Cup ka socday gudaha barakacayaasha ee Degmada Garowe.

IMG-20221219-WA0003.jpg?resize=375%2C281 IMG-20221219-WA0006.jpg?resize=1000%2C75 IMG-20221219-WA0008.jpg?resize=1000%2C75 IMG-20221219-WA0007.jpg?resize=1000%2C75 vlcsnap-2022-12-19-18h28m31s587.png?resi vlcsnap-2022-12-19-18h27m28s446.png?resi vlcsnap-2022-12-19-18h29m21s546.png?resi vlcsnap-2022-12-19-18h28m12s061.png?resi vlcsnap-2022-12-19-18h30m38s048.png?resi vlcsnap-2022-12-19-18h30m12s932.png?resi vlcsnap-2022-12-19-18h30m23s936.png?resi vlcsnap-2022-12-19-18h29m58s663.png?resi

PUNTLAND POST

The post Hay’adda Qatar Charity oo mashaariic ka fulinaysa Barakacayaasha Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this