Sign in to follow this  
Deeq A.

Markabkii ugu weynaa abid oo Mareykanku leeyahay ayaa ku soo xidhay Dekedda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Markabka APL NEW YORK (IMO: 9597484) oo dhererkiisu yahay 328 mitir, ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee abid ku soo xidha Berbera.

Markabkan oo xambaarsanaa “8000+ TEU”, ayaa shalay ku soo xidhay Dekadda Berbera, waxana lagaga dejiyey 900 oo kontaynar, kuwaas oo ay ka wakiil ka aheyd shirkadda CMA/CGM, Berbera.

APL NEW YORK oo qaadkiisu yahay “9,200 TEU”, sabbayn karana marin guntiisu tahay 16+ meter, ayaa maalmo ka hor ka soo shiraacday Dekadda Jeddah, qeybta DP World. Wuxuna u gudbi doonaa Dekadda Jabel Ali, Dubai.

Markabkan ayaa ah 9 jir ku badmaaxa calanka Singapore 🇸🇬. Waxana iska leh shirkad Maraykan ah oo hoos timaada “CMA/CGM Group” oo ka mid ah seddexda shirkadood ee ugu waaweyn aduunka ee ka shaqeeya xamuulka/daabulida container-da.

© Abdirahman Mohamed Ibrahim

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this