Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo dhaqan-geliyay miisaaniyad Sannadeedka 2023

Recommended Posts

Deeq A.   

”WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-966/122022, ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2022, Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne
Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-
04/956/2022 ee ku taariikheysan 03/12/2022, kuna
ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2023-ka.
Waxaan Soo-Saaray;

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hay’adaha Madaxa- bannaan ee Dawladda iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah). Miisaaniyaddu waxay dhaqan-gal noqon doontaa 01 January 2023.

Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this