Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahino ka soo baxayo dagaal ka dhacay Qoryooleey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo degmada Qoryooleey ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ATIMS oo isku dhinac iyo ururka alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii fariisimo ay ciidamada ku lahaayeen deegaanka ay weerar ku soo qaadeen xubna ka tirsan ururka alshabaab.

Waxaana la soo warinaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, xilli xaaladda Qoryooleey ay aad u kacsan tahay maanta.

Ma jirto maamulka gobalka Shabeellaha Hoose iyo kan Hirshabeelle weli cid ka hadashay dagaalka ururka alshabaab iyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATIMS oo isku dhinac ku dhexmaray degmada Qoryooleey.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this