Deeq A. Posted December 19, 2022 Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, ayaa gaaray magaalada Dooloow ee gobalka Gedo. Mahad Salaad ayaa kulama la qaadan doono qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalka Gedo, waxaana halkaas ka socda abaabul ciidan oo ka dhan ah ururka alshabaab. Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Fartaag ayaa ku sugan magaalada iyo qaar kale oo kamid ah siyaasiyiinta gobalka. Agaasime Mahad ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu qayb ka noqdo abaabulka ciidan ee ka socda gobalka Gedo, waxaana la filaya in ciidamadaas ay dhawaan dagaal ku qaadi doonaan deegaannada ay ku sugan yihiin ururka alshabaab.] Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites