Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo maanta ka degay DOOLOW + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Doolow (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Mahada Salaad iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxa Doolow ku soo dhaweeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka.

Agaasimaha NISA ayaa lagu wadaa in kulamo la yeesho qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka, xilli ay maalmihii dambe xiisad siyaasadeed xoogan ka taagneyd Gedo.

Gobolka ayaa sidoo kale lagu wado inay ka bilaaban doonaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo Jimcihii ay halkaasi gaareen wasiirkii hore amniga dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Fartaag oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare.

9-kii bishaan ayey aheyd markii taliyihii Nabad-sugidda gobolka Gedo Bakaal Kooke uu ku geeriyooday degmada Luuq kadib markii gaarigiisa loogu xiray Qarax.

Safarka Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya maamulka gobolka iyo dowlad-gobaleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu kusoo beegmaya saacado un kadib markii Jubbaland ka dalbatay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas, ayada walaac xoogan ka muujisay xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo.

The post Mahad Salaad oo maanta ka degay DOOLOW + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this