Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah ururrada siyaasadda oo heshiis gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo lix urur siyaasadeed oo uu ku jiro kan xukuumadda ee Kaah ayaa heshiis ka gaaray doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland.

Labada dhinac ayaa ka heshiiyay qodoba ay dhowaan soo jeediyeen ururrada siyaasadda oo ku saabsan xallinta caqabadaha ka jira hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

Waxaase heshiiskan ka maqan saddex urur siyaasadeed oo ay ku jiraan Horseed iyo Mideeye kadib markii sida la sheegay aysan ku qancin sida loo wajahay qodobada qaarkood.

Lixda urur siyaasadeed ee saxiixay heshiiskani ayaa ku baaqay in loo diyaar-garoobo diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo muddaysan shanta bisha kowaad ee sannadka 2023.

FB_IMG_1671393271177.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah ururrada siyaasadda oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this