Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo lagu eedeeyay kala jebinta ururrada siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah urur siyaasadeedyada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay kala jebin ku waddo ururrada siyaasadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedyadan ayaa lagu sheegay in xukuumadda Puntland fara gelin ku hayso ururrada islamarkaana kala jebin ku waddo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne guud si loo badbaadiyo geeddi-socodka hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Go’aankan ayaa soo baxay saacado kadib markii madaxweynaha Puntland iyo lix urur siyaasadeed ay sheegeen in ay heshiis ka gareen doorashooyinka qof iyo cod.

FB_IMG_1671395642699.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1671395646707.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1671395651680.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Puntland oo lagu eedeeyay kala jebinta ururrada siyaasadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this