Sign in to follow this  
Deeq A.

Qareen Falastiini Ah Oo Laga Mustaafuriyay Israa’iil.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka mustaafurisay qareen falastiini-faransiis ah oo u doodayay xuquuqda aadanaha, kaddib markii ay ku eedaysay inuu halis ku yahay ammaanka.

Salah Hamouri, oo 37 jir ah, ayaa subaxnimadii hore ee Axadda ay booliisku ku dareen diyaarad ku socotay Faransiiska, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Ninkan oo ku noolaa magaalada Quddus, ayaa laga xayuubiyay xuquuqdii degenaanshiyaha kaddib markii ay saraakiishu ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay urur argagixiso.

Mr Hamouri ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, kooxaha u dooda xuquuqda ayaa cambaareeyay tallaabada israa’iil.

Hase yeeshee war qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ayey ku sheegtay in Mr Hamouri uu abaabulayay oo uu qorsheeyey weeraro argagixiso oo ka dhan ah muwaadiniinta iyo Israa’iiliyiinta caanka ah.

Mr Hamouri waxa uu dhalashada Faransiiska ka helay dhinaca hooyadiis.

Waxa uu u shaqeeyaa Addameer, oo ah hay’ad Falastiiniyiin ah oo maxaabiista ka caawisa dhinaca sharciga iyo xuquuqda oo ay wasaaradda difaaca Israa’iil u magacawday urur argagixiso bishii Oktoobar 2021 isaga iyo shan urur oo kale oo bulshada rayidka ah ee Falastiiniyiinta.

Bishii Maarso, Mr Hammouri ayaa la xidhay, waxaana taliyaha ciidamada Israa’iil ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto uu amray in xabsiga lagu sii hayo iyadoon wax dambi ah lagu soo oogin ama la maxkamadeyn muddo saddex bilood ah taasoo loo marayo waxa loo yaqaanno xadhig maamul.

Kadib afar bilood oo uu xidhnaa Mr Hammouri ayaa warqad u qoray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo uu kaga codsanayo in la caawiyo.

Ka dib waxaa loo saaray inuu yahay maxbuus khatar sare leh waxaana loo gudbiyay xabsi ammaankiisu sarreeyo oo ku yaal badhtamaha Israa’iil.

Dabayaaqadii Sebtembar, waxa uu bilaabay cunto-joojin si uu uga mudaaharaado xadhiggiisa maamul.

Amnesty International ayaa dhaleecaysay masaafurintiisa waxayna sheegtay in uu waqti badan ku bixinayo shaqadiisa qareenimo ee u adeegidda Falastiiniyiinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this