Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cabdicasiis Lafta-gareen xabsiga Baydhaba ka sii daayey maxaabiis badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis Madaxweyne u fidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku jirtay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhaba.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa qaar kamid ah xubnaha xabsiga laga sii daayey wuxuu ka bixiyey deymihii lagu lahaa, sida ay sheegeen masuuliyinta maamusha xabsiga iyo kuwo ka socday hey’adaha garsoorka.

Sababta uu Madaxweyne Laftagareen cafiska ugu fidiyey maxaabiistaan waxaa lagu sheegay inay la xariirto dabaal-degga sanad-guuradiisa 4-aad ee ka soo wareegtay inta uu xafiiska joogo.

Muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Laftagareen ayaa ku eg maalinta berritu ee 19-ka bishaan, waxaana taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kororsi hal sano ah oo baarlamaanka maamulkaas uu Laftagareen u sameeyey.

Abaabul ka dhan ah in Laftagareen uu xafiiska sii joogo ayaa ka socda Muqdisho oo inta badan siyaasiyiinta miisaanka leh ee ka soo jeeda deegaanada K/Galbeed ay ku sugan yihiin.

Siyaasiyiintaan ayaa marar badan laga hor istaagay inay tagaan Baydhaba, iyagoo xalay bayaan ay soo saareen ku sheegay in muddo kororsi aysan ogolaa doonin, waxayna cadeeyeen in marar badan laga hor istaagay inay tagaan Baydhaba.

Hoos ka eeg sawirrada maxaabiistii lasii daayey

319736073_1360117161411658_2765735500175 320674554_714550313273481_19500327230634 320692907_561885949115909_39202216974788 320718006_594381739354656_21713077776636 320718006_594381739354656_21713077776636 320900291_458004159859344_32117726874338

The post Sawirro: Cabdicasiis Lafta-gareen xabsiga Baydhaba ka sii daayey maxaabiis badan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this