Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo ballan-qaad culus kaga dhawaaqay munaasabad ka dhacday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo xiray munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka musuq-maasuqa, taasi oo uu kaga dhawaaqay ballan-qaad culus.

Xamza oo ka hadlay munaasabadaas ayaa ugu horeyntii sheegay in musuq-maasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada, islamarkaana caqabad ku ah horumar walba oo la sameyn lahaa.

“Musuq-maasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’iideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ballan-qaaday in xukuumadda uu hogaamiyo ay dardar-gelin doonto dhisidda hay’adaha iyo shuruucda la-dagaalanka musuq-maasuqa, si meesha looga saaro oo loolana dagaalamo musuqa dalka hormarkiisa la haray.

Soomaaliya ayaa sanadkii hore ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay 9-aad, hadase waxa ay noqotay kow, sida ay shaacisay hay’adda Transparency International.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay uga hortimid warbixinada hay’addaan oo ay shaacisay in aan la isku haleyn karin warbixinadeeda, ayna yihiin kuwa been abuura, hase yeeshe waxa aan la dafiri karin in dalkaan soo kabanaya uu musuq-maasuqa kamid yahay waxyaabaha ragaadiyay.

The post R/W Xamza oo ballan-qaad culus kaga dhawaaqay munaasabad ka dhacday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this