Sign in to follow this  
Deeq A.

Twitter-ka Oo Cambaareeyey Fal Celin Kaga Timid Qaramada Midoobay Iyo Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay, ayaa ku biirtay ururka Midowga Yurub cambaareynta loo jeedinayo go’aanka Twitter-ka, ee uu ku xidhay qaar kamid ah akoonada saxafiyiinta wax ka tabiya baraha bulshada.

Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xidhay akoonnadooda.

Qaramada Midoobay ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay in xoriyada saxaafadu ayna ahayn “wax lagu ciyaaro”, halka Midowga Yurub uu ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabatayn.

Afhayeen u hadlay Twitter-ka, ayaa u sheegay shabakada wararka ee tignoolajiyada Maraykanka, in akoonada la xidh xidhay ay la xidhiidho la wadaagista tooska ah ee xogta qofka goobta uu ku sugan yahay.

Melissa Fleming, oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan isgaadhsiinta caalamiga, ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay wararka sheegaya in saxafiyiinta “si aan loo meel dayin” loogga xidhay akoonadii ay ku lahaayeen barta bulshadu isku weydaarsato macluumaadka iyo afkaaraha ee Internet-ka ee shirkaddaTwitter-ka.

“Xornriyada warbaahintu maaha wax laga gorgortamayo,” ayay tidhi. “Saxaafadda xorta ahi waa tiirka bulshooyinka dimuqraadiga ah, iyo aaladda muhiimka ah ee lagula dagaalo warar been abuur ah.”

Horaantii Jimcihii, guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa ugu hanjabtay Twitter inay cuna qabatayn ku soo rogi doonto, iyadoo la adeeg sanayo sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Yurub, kaasoo ay sheegtay inuu ku saleysan yahay “ixtiraamka xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aasaasiga ah”.

“Elon Musk waa inuu ka warqabaa taas. Waxaa jira khad cas. Iyo cuna qabatayn, dhawaan dhici karta,” ayay raacisay.

Musk si toos ah ugama hadlin xidhista akoonada, laakiin waxa uu bartiisa twitter-ka ku sheegay “in la dhaleeceeyo maalinta oo dhan ay gabi ahaanba tahay wax fiican, laakiin in la sheego meesha aan ku suganahay sida dhabta ah, iyo in qoyskayga la geliyo khatar maaha arrin taalla maxfaladda, ayuu yidhi”.

Maalqabeenka teknolojiyadda, ayaa markii dambe sameeyay ra’yi ururin uu ku weydiinayo, haddii ay tahay wax saxam inuu joojiyo akoonada “hadda” ama “toddobo maalmood gudahood”, isagoo soo jeedinaya in go’aanka laga noqon karo isla markiiba.

Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times, ayaa akoonada la xidh xidhay ku tilmaamay mid keenaysa su’aalo, iyadoo dhanka kale uu ku tilmaamay tallaaabani mid nasiib darro ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this