Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma jirto wax baahi ah oo loo qabo in bariga Hargeysa laga jaro gobolka Maroodi jeex

Recommended Posts

Deeq A.   

Ma jirto wax baahi ah oo loo qabo in xiligani bariga iyo qaybo ka mid ah Konfurta Hargeisa loo soo macmalo gobol aan laga fiirsan oo laga jaro gobolka Maroodi jeex, ama la raaciyo gobol kale oo cid gaar ah loo samaynaayo, amaba lagu daro gobolada kale aan iyaguba ilaa hada aan hana qaadin

Waxa jira qorshe la fool eryaayo oo aan wax talo ah aan lagala yeelanin dadweyna baaxada leh ee daga deegaanada aan kor ku xusnay marka laga reebo shaqsiyaad aan dadka badankiisa matalin oo aan iyaga laftoodu aan sii daynin wax lagu qanco.

Masayrka deegaankayaga waxa xaq u leh in ay ka tashadaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka  waana in qof kastaa ku qancaa oo ogaadaa  waxa soconaaya iyo mugdiga la galinaayo dadka deegaanka wixii talo ahna iyaga loo daayaa

Arintani waa arin khatar ku noqon doonta dadka dega bariga iyo qaybo ka mid ah koonfurta Hargeysa waana in dadweynahu fiiro gaar ah u yeeshaan mustaqbalka deegaankooda oo maanta wixii qaldamaa ay saamayn ku yeelan doonto mustaqbalka caruurtooda iyo deegaankoodaba, sidoo kale waxa ay dibada ka noqon doonaan golaha deegaanka ee Hargeysa oo cododkoodii ay meesha ka bixi doonaan

 

Mohamed Osman

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this