Sign in to follow this  
Deeq A.

Mujaahid Cali Guray oo ka hadlay Muhmalka komishanka Doorashooyinka & Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
MARKII TALO MEEL LA DHIGO MUXUU U
MAROORIYAA MEEL DARAN UU UGA SHAXAA
Komishanka Doorashadu hadii amar Madaxwayne ku shaqeeyaan way qabaan amarkii oo maalintii sadexdii xubnood ee dambe la dhaarinayay amar cad waa kii siiyay. Wuxu faray in doorashada ururda ay marka hore qabtaan, ka dibna sadexda soo baxa ay u qaban doonaan doorashada madaxtooyada. Markaa komishanku wuu qabaa amarkii uu siiyaye yaanu inaga ina wareerinin
Hadii uu yahay komishan madaxbanaan oo dhex u ah dhinacyada tartamaya hawshooda iyaga ayaa u xilsaaran eh farogelinta ha ka daayo oo sharciga ha u hogaasamo isga laftiisu. Hadii kale uu goor iyo ayaan faraha kula jiro tuhun baa iman oo way lumin kalsoonida saamilayda kale ee doorashada madaxtooyada hadii ay yihiin daneeyayaasha shisheeyaha ah iyo hadii ay yihiin xisbiyada mucaaridkaba, oo ah dhinacyadii taageeray muddadii ay sheegeen in doorasho ay ku qaban kraan. Doorashada ay ka hadlayeenna laguma muransana ee waa ta madaxtooyada ee aanay jirin wax ka dhiman sharcigeeda. Taas oo ay hawsheeda kala wareegeen komishankii hore.
Hadaba Labaclabacdan kale iyo isyeelyeelkan oo dhan waa la fahmi karaa oo waa shuqul doorasho-diid weliba ay u dheer tahay ILA MEERAYSO si aan wax doorasho ahi dalka uga qabsoomin, isaguna kursiga iskaga fadhiyo. Ciddii waa sidee tidhaa ama tiisa ka hortimaadana xalka uu garanayo ee keli ahi waa “xadhig iyo xabbad” aan cidna wax dan ahi ugu jirin isagana ku dhehoo
320705242_5724368794278957_6609085467753
320790527_1500097140480827_3466843763647

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this