Deeq A. Posted December 17, 2022 Taliyaha Ciidanka Booliiska Punland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa magacaabay saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan laanta nabadgalyada wadooyinka gobollada Nugaal, Bari iyo Mudug. 1: Waxaa Dhamme Ugaas Cabdullaahi Xasan loo magacaay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Nugaal. 2: Waxaa x/le Cabdullaahi Caduur Macalin loo magacaabay Taliye ku xigeenka laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Nugaal. 3: Waxaa K/s Maxamed Cali Maxamd loo magacaabay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Bari. 4: Waxaa X/le Cawil Maxamed Cigaal loo magacaabay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Mudug. 5: Waxaa K/s Cabdullaahi Maxamed Warsame loo magacaabay taliye ku xigeenka laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Puntland oo sameeyay magacaabis appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites