Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg-Deg:- Diyaarad ku soo dhacday Degmada Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhaw ay garoonka diyaaradaha degmada ay ku soo dhacday diyaarad.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay siday rakaab, waxaana wararka ay sheegayaan in diyaaradda uu soo gaaray burbur, kadib markii ay gudaha garoonka ku dhacday.

Degmada Caabudwaaq ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in diyaaradda ku soo dhacday ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay diyaaradda, waxaana socda gurmad iyo baaritaanno ku aaddan waxa sababay in ay diyaaradda ku qalibanto garoonka.

Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha warkaan kala soco Goobjoog News

320624018_898855954817317_39053906843744

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this