Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khilaaf ka dhex taagan madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221217_084957204.png?resize=406

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagan wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Rashiid Maxamuud Yuusuf iyo ku xigeenkiisa, Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud.

Xogo madax-bannaan ayaa xaqiijinaya in khilaafka labada mas’uul uu ka bilowday doonyo kalluumeysi oo loogu deeqay  degaanno ka tirsan xeebaha Puntland.

Xogaha ayaa sheegaya in doonyihii la bixiyay qaarkood ay dib u iibsadeen dadkii lagu caawiyay, kadibna warkaas la gaarsiiyay madaxda wasaaradda.

Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka ayaa kadib isku khilaafay sida loo wajahayo arrintaas, waxaana mid kasta qaaday tallaaba isaga u gaar ah, sida ay xoguhu tilmaamayaan.

PUNTLAND POST

The post Xog: Khilaaf ka dhex taagan madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this