Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha Dowladda Mareykanka Oo Laga Mamnuucayo Isticmaalka Tiktok

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay.

Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taageersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiillada ee toddobaadka soo socda.

Taageerada Pelosi, oo ay weheliso tan Kevin McCarthy, oo ah hoggaamiyaha aqlibiyadda Jamhuuriga ee Aqalka, ayaa si weyn u kordhinaysaa fursadaha ansixinta miisaaniyadda dowladd Federaalka.

Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda.

Waxay ahayd tallaabadii ugu dambeysay ee sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay ku cabburiyaan shirkadaha laga leeyahay Shiinaha, iyadoo ay jirto walaac amniga qaranka ah Mareykanka ah, kaas oo Beijing ay u adeegsan karto aaladdan nooc basaasnimo ah.

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this