Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad ka taagan Dhoobley oo sababtay dhimashada 17 qof iyo in isbitaalka la dhigo 600

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xaalad caafimaad oo aad u daran ay ka taagan gudaha degmada Dhoobley ee gobolkaasi, ka gadaal markii uu ka dilaacat cudurka Kalooraha ama Shuban Biyoodka.

Maamulka Dhoobley oo la hadlay warbaahinta ayaa qaylo dhaan xoogan ka muujiyay xaaladda caafimaad ee ka taagan degmadaasi, gaar ahaan cudurka Shuban Biyoodka.

Mukhtaar Maxamed Sahal oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada ayaa shaaca ka qaaday in cudurka ay u geeriyoodeen illaa 17 qof oo isugu jiro carruur iyo dad waa weyn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isbitaalka guud ee magaalada Dhoobley la dhigay illaa 600 qof oo uu saacadihii ugu dambeeyay soo ritay cudurka Kalooraha.

“Sida aad ogtihiin waxaa dilaacay cudurka Kalooraha kaas oo soo ridday dad 600 oo qof gaaraya, dhimashadana illaa iyo hadda gaareyso 7 qof,” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenku.

Sahal oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in fariin u direen ATMIS, islamarkaana ay jawaab ka heleen, kadib markii ay su deg-deg ah ula soo gaareen daawo iyo qalab nadaafadeed

“Waxaa innoo yimid ATMIS oo ah ciidankaka jowlgalka Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland, kuwaas oo saldhigooda uu yahay degmada DHoobley, ayaga oo ka damqaday baahida iyo dhibaatada meesha taalla, saakana deg deg noogu keenaym gurmadkii ugu horreeyay oo isugu jiro daawo, qalab nadaafadeed iyo raashin,” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray dowlad Jubbaland iyo dowladda Dhexe, isaga oo ka codsaday in aysan indhaha ka laaban xaaladda adag ee haatan ka jirta Dhoobley.

The post Xaalad ka taagan Dhoobley oo sababtay dhimashada 17 qof iyo in isbitaalka la dhigo 600 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this