Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf and PM Geedi return to Jowhar...

Recommended Posts

Jowhar: Madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo wafdi la socda oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar.

- Wednesday, February 15, 2006 at 14:36

 

Jowhar(AllPuntland)- Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

 

Dadwaynaha magaalada Jowhar oo ay hor kacayaan siyaasiyiinta ka tirsan golayaasha dawladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxwayne Yusuuf.

 

Madaxwaynaha ayaa saacad iyo bar ka hor ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo asaga oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Federaalka .

 

Madaxwaynaha iyo gaadiidkii galbinayay ayaa ka dhaqaaqay garoonka diyaaradaha ayagoo gaaray halka loogu talo galay in la dajiyo madaxwayne Yuusuf.

 

Madaxwaynaha ayaa maalmihii ina dhaafay oo dhan kusugnaa magaalada Gaalkacyo , wuxuuna intii uu joogay wada xaajood la layeeshay , raysulwasaaraha Soomaaliya , Guddoomiyaha baarlamaanka, madaxwaynaha Puntland iyo wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta dhammaantoodna wuxuu kala hadlay arimo kala duwan oo midba si gaar ah u quseeya.

 

Madaxwayne Yuusuf ayaa lagu wadaa inuu maalmo kadib uu u duulo magaalada Baydhabo halkaasi oo ay ka socoto qaban qaabo xooggan oo ku aaddan shirka baarlamaanka Soomaaliya.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this