Sign in to follow this  
Deeq A.

Halgan iyo Hagardaamo Toban Sano Kaddib

Recommended Posts

Deeq A.   

Farriinta ugu waxtarka badan oo uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku soo gudbiyay buuggiisa waa: Qaran kuma dhisnaan karo calooshood-u-shaqaystayaal ama ciidammo caawiyeyaal ah.

download.jpeg?resize=380%2C280&ssl=1Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo khudbad ka jeedinaya Qaramada Midoobay

Toban sano ka hor wuxuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed qoray Halgan iyo Hagardaamo, buug ku saabsan taariikh nololeedkiisii. Waxaa la dabaacay buugga dhowr bilood ka hor geeridiisii. Toban guurada soo bixistii buugga iyo 18 guurada markii ka qeybgalayaashii shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ka dhacay Embagathi “ku heshiiyeen” qaadashada habka federaalka ayaa ka dhigaya buugga kan ugu muhiimsan ku saabsan noloshii siyaasadeed ee hoggaamiye  Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay 1960kii. Buuggu wuu ka duwan yahay buugaggii Dalkayga iyo Dadkayga oo ay Waaxdii Qoraalka ee Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha soo saari jirtay laguna soo ururin jiray khudbadihii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre.

 Tan iyo markii buugga la soo saaray billowgii 2012kii, Soomaaliya waxaa ka dhacay isbeddelo siyaasadeed: dawladdii ku meelgaarka waxaa beddelay dowlad aan ku meel gaar ahayn laakiin aan dalka ka wada talinin welina ku tiirsan ciidammo nabad-ilaalin ka socda dalal Afrikaan ah (ATMIS); seddex Madaxweyne ayaa Muqdisho lagu doortay 2012kii, 2017kii iyo 2022ka.

Buuggu wuxuu ku billaabanayaa dhalashadii Cabdullaahi Yuusuf (billowgii soddomaadkii qarnigii labaatanaad), xilligii uu si lama filaan ah ugu biiray ciidammada (1952kii) iyo tababbarradii uu ku tagay dalal kala duwan. Culayska wuxuu saarayaa kaalintiisii siyaasadda xilliyo kala duwan. Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu siyaasadda Soomaaliya ku jiray 23 sano: 7 sano uu ku sugnaa Itoobiya (1978-1985) ka hor inta aan la xirin 1985kii, lana soo daynin 1991kii;  6 sano uu hayay xilka Guddoomiyaha Arrimmaha Degdegga ee ururkii SSDF ka talinayay gobollada loo yiqiin Waqooyi Bari (1996-1998) 6 sano uu ahaa Madaxweynaha Puntland (1998-2004) iyo 4 sano oo uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2004-2008). Sanadaha noloshiisii askarinimo ka hor iyo kaddib 1dii Luulyo 1960kii wadartoodu waa 26 sano (1952-1978).

Cabdullaahi wuxuu ku dooday inuu diiddanaa in ciidammadu afgambiyaan dowladdii rayidka ahayd. Sanadkii 2002dii Maxamed Abshir Muuse, taliyihii hore ee ciidanka booliska ka hor 1969kii, ayaa wariye u sheegay Cabdullaahi Yuusuf iyo Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid u yimaadeen isaga iyagoo watay qorshe ay ku doonayeen inay ku afgambiyaan dowladdii rayidka ahayd.

Dhalashadii Kacaankii kaddib dowladdii cusbayd  ayaa xabsiga u taxaabtay Cabdullaahi Yuusuf. Waxaa la soo daayay markii Soomaaliya isu diyaarinaysay dagaalkii 1977kii ay la gashay Itoobiya, dagaalkaas oo uu ka qeybgalay ka hor afgambigii dhicisoobay oo uu kaalin horseed ah u lahaa. Qaar ka mid dadkii afgambiga diyaariyay ayay dowladdii kacaanku tiirka geysay oo toogatay. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu u baxsaday Kenya ka hor inta uusan u safrin Itoobiya,  halkaas oo uu jabhad hubaysan, oo mucaarad ku ah taliskii kacaanka, unkiddeedii uu kaalin weyn ku yeeshay.  

24777658.jpg?resize=247%2C327&ssl=1Halgan iyo Hagardaamo: Siyaasiga Soomaaliyeed wax ayuu ka dheefi karaa akhrinta buugga Cabdillaahi Yuusuf ka qoray noloshiisii siyaasadda.

Wuxuu Cabdullaahi ku xusay buugga dhacdo ciidammada Xabashidu ku laayeen askar SSDF ahayd.  Dhacdadaas waxay tustay Cabdullaahi in ujeeddooyinkii ururka SSDF iyo ujeddooyinkii taliskii Dergigu ay kala duwanayeen. Mengistu Haile Mariam, Madaxweynihii Itoobiya, wuxuu hoggaaminayay talis shuuciyadda qaatay oo isbaddal sal iyo baar ah ka sameeyay Itoobiya si uu ula dagaallamo dabaqaddii dhulgoosiga ahayd ee Embaradoor Xayle Salaase hoggaaminayay. Mengistu wuu ogaa in Cabdullaahi necbaa hantiwadaagga iyo shuuciyadda labadaba. Taas waxay meesha ka saartay rajadii uu Mengistu ka qabay inuu taageero jabhad doonaysa inay  afgambiso dowladdii kacaanka.

Garabkii askarta ee SSDF waxay badankood ahaayeen dad shuuciyadda neceb laakiin dan u arkayay in talis shuuci ahaa uu ka caawiyo ridista talis hantiwadaag ahaa oo Soomaaliya ka jiray. Isburintani waxay abuurtay in SSDF iyo Mengistu ay sii kala fogaadaan.

Isku day baa jiray si loo mideeyo SSDF iyo ururkii SNM. Laguma guuleysanin. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu guuldarrada dusha ka saaray siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo, sida Cabdullaahi ku dooday, sheegay in ururku saxayo gefefkii dhacay 1960 midowgii Waqooyi iyo Koonfur kaddib. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu dooddan u fasirtay mid asaas u ahayd goosasho-doonista maamulka Somaliland. Dastuurkii SNM marnaba kuma baaqin kala-goynta Soomaaliya. Siilaanyo 1991kii warqad uu qoray wuxuu si cad uga soo horjeestay in dad aan waxba galabsan loo beegsado haybtooda, wuxuu ahaa mowqif uu kaga soo horjeeday ururkii USC oo ciidammadoodii geysteen kaddib dhicistii taliskii kacaanka.

SSDF iyo SNM ma midoobi karin ugu yaraan afar sababood awgood: 1- SNM waxaa lagu asaasay London 1981kii. Madaxdii ururka oo Itoobiya timid ujeeddadoodu waxay ahayd u kuurgalista waxa urur ku tiirsan Itoobiya uga suurtoobi kara inuu la dagaallamo dowladdii  ka jirtay Soomaaliya. 2- SSDF waxaa Itoobiya u joogay ciidan beeleed badan, tanina waxay ururka siinaysay awood gorgortan marka midow laga hadlayo. 3- Ururka SNM ma doonaynin inay talada siyaasadda gacanta u geliyaan askar sida SSDF oo uu Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayay, gaar ahaan kuwo afgambi hore iskugu dayay Soomaaliya. 4- Madaxdii SNM waxay xusuusteen go’aankii dhulka Hawd uu Biritishku si sharcidarro ah ugu daray Itoobiya 1954, marnaba kuma qabin kalsooni Itoobiya. SNM si cad ayay uga hortimid inay la midowdo SSDF, waana go’aan ay xubnihii SSDF badankood ilaa hadda u arkaan mid soo dedejiyay burburkii ururka.  Xubno badan oo ka mid ahaa ayaa dowladdii Soomaaliya cafis weyddiistay.

Dagaalkii 1982kii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu sii wiiqay awooddii siyaasadeed ee ururkii SSDF. Cabdullaahi Yuusuf wuu ka horyimid go’aankii Itoobiya calankeeda kaga taagtay Galdogob. SSDF ma lahayn awood ay degmooyin Soomaaliyeed ku qabsato laakiin  Xabashidu way ku raadgateen SSDF.  Itoobiya waxay kuu tiirsanayd Midowgii Soofiyeeti. Taasi waxay sababtay in Itoobiya xitaa u hoggaansami weyday cahdigii Midowga Afrika ku saabsan dhowrista qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururka. Waqtigaas waxaa socday dagaalkii qaboobaa.  Siyaasadda Galbeedka waxaa loo yiqiin “dib u riixidda xuduudaha shuuciyadda”. Galbeedku waxay taageereen xoogaggii  Itoobiya ka soo horjeeday sida TPLF iyo EPLF (ururkii gobanimidoonka ee Eritreeya). Ururradii Soomaaliyeed, sida SSDF uu fadhigoodu ahaa Itoobiya, waxay u ekaadeen kuwo doonayay inay   shuuciyad ka hirgalinayaan Soomaaliya.  Fekerkaasi wuxuu u seeto-dheereeyay taliskii kacaanka oo helay fursado uu wax kaga beddelay siyaasaddiisii dhaqaalaha.

Mengistu oo 1977kii ka cabanayay in Soomaaliya soo weerartay dalkiisa jebisayna xeerkii ururka Midowga Afrika ayaa la yimid siyaasad sababtay in ugu dambayntii Itoobiya noqoto dal bad la’aan ah kaddib markii is fidintiisii ay fursad siisay Galbeedka oo xilligaa ku shaqaynayay siyaasadii ii Madaxweyne Ronald Reagan dejiyay si loo yareeyo meelaha talisyada shuuciga ahaa ka taliyaan ama laga hortago fidistooda. Sidaas oo ay tahayna, Galbeedku marnaba Soomaaliya uma hubaynin sida Midowgii Soofiyeeti u hubaynayay ama u garab-taagnaa Itoobiya xilligaas.

Dowladda Itoobiya waxay Cabdulaahi Yuusuf xirtay 1985kii oo waxaa la soo daayay 1991kii kaddib markii taliskii Dergigu dhacay. Markuu xabsiga ka soo baxay dagaal sokeeyee ayaa Soomaaliya ka taagnaa. Wuxuu ka sheekaynayaa sida uu dib ugu soo noqday siyaasadda Soomaaliya isagoo oggolaaday in Maxamed Abshir Muuse ahaado Guddoomiyaha  ururkii SSDF, ururkaas oo 1991kii aan lahayn ciidammo la dagaallamayay taliskii milatariga ee Soomaaliya. Aqoonsiga dowladdii ururkii USC  ay dhistay ay siiyay SSDF waxaa ku xigay weerarkii  ciidammada USC ku soo qaadeen Gaalkacyo  1991kii. Weerarka ka hor Ra’iisal Wasaare  Cumar Carte Qaalib, oo jeedinayay khudbaddiisii kala diristii Xoogga Dalka, ayaa ugu baaqay ciidammada Xoogga Dalka ku sugnaa Waqooyiga Gaalkacyo inay isu dhiibaan SSDF, iyo in ciidammadii ku sugnaa oo Koonfurta Gaalkacyo isu dhiibaan ururka USC.  

Cabdullaahi Yuusuf waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Arrimmaha Degdegga ee SSDF. Xilkaas wuxuu u fududeeyay Cabdullaahi Yuusuf inuu qaato go’aammo siyaasadeed horseeday  Heshiiskii Gaalkacyo oo Muqdisho ka dhacay kaddib markii isaga iyo Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid ay 1993kii heshiis kala saxiixdeen, heshiis noqday kii ugu horreeyay oo muujiyay in siyaasiyiintu nabadayn ku heshiin karaan. Heeshiiskii 1995 ka dhacaay Ceerigaabo ayaa  ahaa kii labaad oo isna muujiyay in saamileyda siyaasaddu unki karaan siyaasad nabadeyn ku salaysan.

1997kii ayuu Cabduulaahi Yuusfu ka hor yimid qodobbadii shir Qaahira ka dhacay oo Masar ay u abaabushay siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya. Mowqifka Cabdullaahi Yuusuf shirkaas ka istaagay ayaa horseeday in loo tabaabusheysto dhisiddii maamul goboleedka Puntland.  Maxamed Abshir mabda’ ahaan wuu taageersanaa shirkii Masar, sidoo kalena muu ka hor imanin dabayshii maamul samaynta oo ka dhalatay mowqifkii Cabdullaahi Yuusuf ka istaagay shirkii Qaahira. Tartan labada siyaasi dhexmaray waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Yuusuf oo noqday Madaxweynaha Puntland 1998kii. Hoggaamintii Maxamed Abshir Muuse  oo laba tiir lahayd – dhowrista nabad ku wada noolaanshaha Soomaalida iyo ka hortagga in Soomaalida loo nugleeyo amar-ku-taaglayn ciidan ama mid rayid – ayaa jeexday dhabbaha uu qaaday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo u arkayay habka federaalka mid dhowri kara midnimada Soomaaliya, kana hortagi kara awood siyaasadeed hal meel ku urursan, sida dalka Soomaaliya uu ahaa ka hor 1991kii oo kale.  

Dagaalkii Puntland ka dhacay 2001-2002 ayuu Cabdullaahi Yusuuf ka sheekeeyay iyo caqabadihii uu la kulmay intii uu Madaxweyne ka ahaa Puntland. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu isu arkayay qof u soo dagaallamay in Soomaaliya ka madaxbannaanaato keli-talis laakiin may cadda inuu aaminsanaa in talada siyaasadda loo daayo rayidka. Aad buu uga soo horjeeday go’aankii lagu cafiyay saraakiishii reer Waqooyiga ahayd  oo ka dambeeyay gadoodkii 1961kii ka dhacay Hargeysa. In maxkamd ciidan la saaro oo la ciqaabo saraakiisha gadoodka samaysay ayuu Cabdullaahi Yuusuf aaminsanaa, sida uu ku dooday. Waa suurtagal in madaxdii SNM xusuusteen mowqifka Cabddullaahi Yuusuf ku saabsanaa  maxkamadayntii saraakiishii reer Waqooyiga ahaa markii SSDF doonaysay inay la midowgo SNM. Cabdullaahi Yuusuf ku eedeynayaa Maxamed Siyaad Barre inuu lug ku lahaa dilkii dimlomaasigii Masar Kamaaludiin Saalax oo 1957kii Muqdisho lagu dilay. In Siyaad Barre iman waayay kulammo ku saabsan baaristii socotay ayuu Cabdullaahi Yuusuf ku doodayaa. May aha xusuus la rumeysan karo marka aad barbardhigto in Cabdulaahi Yuusuf ku eedeeyay Maxamed Sahnuun (Mohamed Sahnoun) iyo dad kale oo hay’adaha samafalka la shaqaynayay  inay xagal-daacinayeen dadaalladiisa intuu ahaa Madaxweynaha Puntland. Maxamed Sahnuun wuxuu iska casilay shaqadii uu Qaramada Midoobau u hayay dhammaandkii 1992kii kaddib markii uu yaraystay saameyntii qabqablayaashu ku lahaayeen macaluushii 1992kii ka dhacday Soomaaliya.

 2004tii ayaa Cabdulaahi Yuusuf loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ahayd. Wuxuu ku baaqay in ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka badan 20,000 ka badan Soomaaliya la keeno. Cabdullaahi Yuusuf  muu sharxayo sababta uu ciidammo shisheeye uga baahnaa haddii ay qabqableyaashii Koonfurta Soomaaliya awoodda ku lahaa isaga taageereen kana mid noqdeen dowladdii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo baarlamaankii uu guddoomiye u ahaa Shariif Xasan. Dowladdii uu soo dhisay Geeddi waxay degtay Jowhar markii dambena Baydhaba. Dowladaha waaweyn qaarkood waxay taageerayeen qabqablayaashii ka hor yimid dowladdii Carta lagu soo dhisay.  Qabqablayaashu waxay taageero ka heleen dal si ay u dhisaan wax ay ku tilmaameen ururka la dagaallanka argagixisada. Ururkii Midowga Maxkamadaha ayaa jabiyay ururkii qabqablayaashu dhisteen. Cabsidii dowladdii taageeraysay qabqablayaasha ka qabtay Ururkii Maxkamadaha oo waqti yar ku nabadeeyay Muqdisho ayaa ku kalliftay inay taageerto Itoobiya oo sheeganaysay inay difaacayso “dowladda federaalka Soomaaliya”. Maxkamaduhu kama faa’iideysanin awood-wadaaggii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oggolaatay kaddib shirkii ka dhacay Suudaan.  Xoghayihii Gaashaandhigga Ururkii Maxkamadaka Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa ku hanjabay in ururku weerari doono Addis Ababa.  Itoobiya waxay heshay marmarsiinyo labaad ka sokow  ballaanqaadkii ahaa inay difaaci doonto dowladdii federaalka oo fadhigeedu Baydhaba ahaa 2006dii.

Cabdullaahi Yuusuf wuxuu Itoobiya ku eedeynayaa inaysan daacad ka ahayn dib u dhiska Soomaaliya. Itoobiyaanku lama socodsiin jirin Cabdullaahi Yuusuf xog ku saabsan  xoogaggii iska caabbinta (muqaawimada). Markii ciidammada Itoobiya soo gaareen Muqdisho, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi wuxuu sheegay in ciidammada dalkiisu “guulo ifaya” gaareen. Madaxdii ururkii Midowga Maxkamadaha waxay go’aansadeen in hubka loo celiyo dadka; wuxuu ahaa go’aan dagaalka u yeelay weji cusub iska caabbintii billaabatay awgeed. Ma jirin ciidan Soomaaliyeed oo la dagaallami karay xoogagga iska caabbinta. Ciidanka Itoobiya waxay u babacdhigi waayeen kooxihii iska caabbinta (ay Al-shabaab ugu weynayd) oo hubkii ugu weynaa ay adeegsadeen ahaa teleefoonkii ay u diri jireen shaqaalaha dowladda federaalka iyagoo uga digi jiray inay u sii shaqeeyaan dowladda. Meles Zenawi, sida Mengistu, aqoon badan uma lahayn Soomaaliya. Siyaasadda wuxuu u yiqiin inay qoriga afkiisa ka soo baxdo. Wuxuu ka dhashay qowmiyad 6% ka ah Itoobiya oo ka faa’iidday dhammadkii Dagaalkii Qaboobaa, heshayna fursad ay Itoobiya ku xukunto, kaddibna isku suuqgeyso inay tahay  gaashaanka Galbeedka ka ilaalinaya halista Soomaaliya – waa dood la mid mid uu sanadkan Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, si dadban u soo gudbiyay markuu uu warramayay saxafi ka socday majaladda New Yorker.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Ra’iisal Wasaare ku Xigeenkiisii Axmed Cabdisalaan waxay wadeen nabadeyn wax ku sii kordhinaysay dib u heshiisiintii sanadkii 2007dii lagu qabtay Muqdisho oo uu maamulayay Cali Mahdi Maxamed. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuu garan-waayay in nabadeyntu ay isaga badbaadinaysay. Inuu ururkii Dib u Xoreynta Soomaaliya (Alliance for the Reliberation of Somalia) ku tilmaamay beel waxaa sababyay xogtii dagaalka oo Itoobiyaanku ka qariyeen Cabdullaahi Yuusuf iyo isaga oo illoobay mowqifkii uu ku taageeray wadahadalladii Jabuuti uga socday Dowladdii Ku Meelgaarka iyo Ururkii Dib u Xoreynta Soomaaaliga inuu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya xilli Soomaali badan oo aan dagaalka ku jirin ay ku dhaawacmeen ama ku dhimanayeen dagaalkii socday. Siyaad Barre muu helin fursad la mid ah tii Cabdullaahi Yuusuf helay waayo mucaaridkii hubeysnaa ka hor 1991kii way diideen inay wadahadal la galaan dowladdii Siyaad Barre. Cadaadis beesha caalamku ay saartay awgiis (xannibaad safar ) Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuu iscasilay Diseembar 2008 oo wuxuu ku noolaa Yemen ka hor geeridiisii 2012kii.

Waxaa xusid mudan in Cabdullaahi Yuusuf u arkayay dowladda federaalka tan mas’uulka ka ah danaha qaranka. Muu jeclayn in is barbar-yaac uu dhaco. Markii dowladdii Puntland ee Cadde Muuse iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi is afgaran-waayeen, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu taageeray Geeddi. Wuxuu habka federaalka u arkayay mid ka hortagaya in awooddu heel meel ku soo ururto ama inay abuurmaan awoodo siyaasadeed aan lala xisaabtami karin. Labadaas ujeeddo midna laguma guuleysanin ilaa hadda inkastoo Soomaaliya tahay dal sheegta inuu habka federaalka qaatay lehna dowlad aaan ku meelgaar ahayn.

Dal kuma dhisnaan karo ciidan calooshood u shaqaystayaal ah ama kuwo caawiyeyaal ah, ayuu Niccolo Machiavelli, siyaasi iyo qoraa Talyaani ahaa,  ku dooday. Ciidammo beeleed magac xoogga dalka la siiyay ama ciidammo nabad ilaalin dalal kale laga keenay waxay sii murjiyeen siyaasadda Soomaaliya.

Dowladihii Soomaaliya soo maray laga billaabo  sanadkii 2000 midna lama imanin dadaallo ku sargo’an caqabadaha siyaasadda. Iscasiladdii Cabdullahi Yuusuf kaddib dowladdii federaalka ku meelgaarka ahayd waxay saxiixaday heshiis muran galiyay badda Soomaaliya. Dowladdii federaalka xilka kala wareegtay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo tii ka sii dambaysay ka bixistii ku meelgaarka kaddib waxay doonteen lacago Soomaaliya u yaalla bangiyo shisheeye iyagoo ka faa’iideysanayay aqoonsiga dowladdu haysato, lacagtaas oo uu qareen Maraykan ahi isku dayay inuu lunsado; heshiis wax-soo-saar wadaag ayuu 2022kii Wasiirkii Batrool uu si sharci-darro ah u saxiixay; dowladda Federaalka Soomaaliyeed Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaaminayo ayaa jideynaysa. Waa go’aan ka halis-badan kii heshiiskii isafgarad ay dowladdii ku meelgaarku 2009kii kula gashay Kenya, heshiiskaas oo murangeliyay badda Soomaaliya.

Habka federaalka Soomaaliya wuu 18 jirsaday hase ahaatee awood-daadejin dhab ihi kama dhicin Soomaaliya; weli dalku wuxuu ku tiirsan yahay ciidammo nabad-ilaalin oo ka socda Afrika; ma jiraan hay’do heer federaal oo lagula xisaabtami karo shaqadooda. Habka 4.5 wuxuu sii kala fogeeyay Soomaalida. Halgan iyo Hagardaamo waa buug Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu akhristayaasha kula wadaagay gefefkiisii siyaasadeed oo qaarkood ay soo gabagabeeyeen noloshiisii siyaasadeed. Hay’ado federaal oo lala xisaabtamo ama fulintu (madaxtooyada) aysan ku adeegan karin kama dambaynin Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waa tilmaan wanaagsan oo lagu xasuusan karo muddo xileedkii heer federaal ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

W.Q. Liibaan A. Axmad

libahm@gmail.com

The post Halgan iyo Hagardaamo Toban Sano Kaddib appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this