Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe oo beeniyay warqad laga faafiyay oo la xiriirta Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in kursiga Hop#086 loo ansixiyay Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah”.

“Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid allaale cidii ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doono sharciga” ayaa la raaciyay qoraalka.

FB_IMG_16711834195442638.jpg?resize=454%

PUNTLAND POST

The post Aadan Madoobe oo beeniyay warqad laga faafiyay oo la xiriirta Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this