Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine oo fashilisay weeraro uu ku qaaday Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ukraine ayaa sheegtay Arbacadii inay fashilisay weerar uu Ruushku ku soo qaaday caasimadda dalkaas ee Kyiv.

Ukraine ayaa sheegtay in ay soo rideen ilaa 13 diyaaradood oo aan nooca aan duuliyaha lahayn oo siday qaraxyo kala duwan, kuwaas oo isku dayayey inay soo galaan hawada caasimadda Kyiv.

Maayarka Kyiv oo lagu magacaabo Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay bartamaha degmada Shevchenkivskyi eek u taalla badhtamaha caasimadda Kyiv.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku bartilmaameedsanayey dalka Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Ukraine oo fashilisay weeraro uu ku qaaday Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this