Deeq A. Posted December 15, 2022 Biyo la’aanta New Hargeysa Anigu waxaan deganahay xaafadda New hargeysa gaar ahaan degmada Macalin-haaruun qayb ka mid ah,Ma jiraan wax biyo qasabadeed ah oo habayaraatee noo soo dhacaa!, Waxaa biyaha noo shuba booyado ku waa soo u dhaamiya hargeysa-da badhkeed oomanaha yahay. Bishii ugu yaraan waxaanu shubanaa 5-Jeer, halkii marna waxaanu shubanaa 5 ilaa7 foosto inta u dhaxaysa,Halkii foosto lacagteedu waa14,000 kun oo shillings. Waxaa taasi ka sii daran marka biyuhu kaa dhamaadaan ee aad booyadda u baahato waxaad sugaysaa ugu yaraan maalin ama maalin badhkeed Sababtoo ah booyaddu waxay u dhaamisaa kumanaan qoys oo aan haysan biyo dawladeed iyo kuwo shirkadeed-toona. “Habartii dusheediyo Dagalkay ku noolayd Daruuruhu ku hooreen Dadba wada helmoodoo Daad wararac bay tidhi” Cali-Fahad Qaran News Share this post Link to post Share on other sites