Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka dawlada Jabuuti u jooga Somaliland oo baaq u diray muwaadiniintooda hawlgabka ah ee ku nool Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

5-10-300x250.jpg

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti,ayaa farriin u dirtay muwaadiniinteeda ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland kuna war gelisay in ay yimaadaan Safaaradda dalka Jabuuti ku leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Safiirka Dalka Jabuuti u jooga Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaleye ayaa fariin muhiim ah u diray muwaadiniintooda ku kala nool gobolada Jamhuuriyadda Somaliland , kana dalbaday inay ka soo jawaabaan.

Safiir Kawaaleye oo shalay la hadlayey Telefishanka Horn Cable ayaa ugu baaqay muwaadiniinta reer Jabuuti ee dhaqaalaha hawlgabka qaataa in ay yimaadaan xarunta safaaradda, sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka da’da ah ee aan iman karin safaaradda inay muuqaalo ay ku xaqiijinayaan u soo diraan, waxaanu yidhi,

“Waxaan baaq u diraya dadka reer Jabuuti ee ku nool gayiga Somaliland ee hawlgabka qaata.” Wuxuu u sheegay inay joogaan masuuliyiin ka socda xafiiska hawlgabka Jabuuti oo hawlaha aad u baahnaydeen idiin qaban doona illaa 29 December.

Safiir Kawaaleye ayaa muwaadiniinta reer Jabuuti u sheegay in iyagoo ka duulaya siyaasadda Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukuumaddiisa inay u fududeeyeen muwaadiniinta helitaanka dhaqaalihii hawlgabka, waxaanu bulshada jabuuti ugu baaqay inay ka soo jawaabaan.

Wuxuu muwaadiniinta Jabuuti ugu baaqay inay muuqaalada dadka aan iman Karin lagu soo diro lambarka WhatsApp ka ee 0025377854747 ama 0025377870208 ama 00252633155159 oo dhamaan safaaraddu leedahay.

Le représentant du gouvernement djiboutien au Somaliland a lancé un appel à ses citoyens retraités vivant au Somaliland

Le gouvernement de la République de Djibouti a envoyé un message à ses citoyens vivant en République du Somaliland et les a informés de se rendre à l’ambassade de Djibouti dans la capitale du Somaliland, Hargeisa.

L’ambassadeur de Djibouti au Somaliland, l’ambassadeur Hussein Omar Kawaleye a adressé un message important à leurs citoyens vivant dans les régions de la République du Somaliland, et leur a demandé de répondre.

L’ambassadeur Kawaleye, qui s’est adressé hier à Horn Cable Television, a appelé les citoyens djiboutiens qui reçoivent des fonds de pension à venir à l’ambassade, et il a également appelé les personnes âgées qui ne peuvent pas venir à l’ambassade à envoyer des vidéos pour confirmer. ,

“Je lance un appel aux Djiboutiens vivant dans les villages du Somaliland qui reçoivent des pensions.” Il leur a dit qu’il y a des fonctionnaires du bureau des pensions de Djibouti qui feront le travail dont vous avez besoin jusqu’au 29 décembre.

L’ambassadeur Kawaleye a déclaré aux citoyens de Djibouti que, sur la base de la politique du président de Djibouti, Ismail Omar Guelleh et de son gouvernement, ils ont facilité l’accès des citoyens aux fonds de pension, et il a appelé la communauté djiboutienne à réagir.

Il a appelé les citoyens de Djibouti à envoyer les vidéos de ceux qui ne peuvent pas venir au numéro WhatsApp 0025377854747 ou 0025377870208 ou 00252633155159 qui appartiennent tous à l’ambassade.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this