Deeq A. Posted December 15, 2022 Wararka naga soo gaarayo magaalada Dublin ee Caasimada dalka Ireland ayaa sheegaya in lagau dilay wiil kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladaas. Wiilka la dilay oo da’diisa lagu sheegay 22 sano jir ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay magaalada Dublin, mana cadda cidda dilkiisa ka dambeysay. Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Mahamud Ilyas, waxaana laammaha ammaanka dalkaas ay baadigoobayaan dil cidda ka dambeysay dilka wiilkaan. Booliiska magaalada Dublin ee Caasimada dalka Ireland ayaa ka codsaday dadka magaalada in ay soo sheegaan haddii ay jirto cid xog ka haysa dilka wiilkan Soomaaliga ah sida uu u dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites