Deeq A. Posted December 15, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada ayaa maanta qabsoomay, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ugu horreyn golaha warbixin ka siiyay safarkii uu shalay ku gaaray degmada Aadan Yabaal. Todobaadkan waxaa shirka intiisa badan diiradda lagu saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka. Shirka ayaa waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Difaaca, taas oo faahfaahisay guulaha laga gaaray howlgallada, sida uu shaaciyey ra’iisul wasaaruhu. “Waxaan maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Warbixinta howlgallada dib u xoreynta dalka iyo guulaha laga soo hoyiyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaan ka dhagaystay wasaaradda difaaca,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale waxaa maanta golaha wasiirada loo qeybiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, si loo akhriyo, kadibna ay uga doodaan xubnaha Golaha. Labadaan Hindise Sharciyeed oo ah kuwa muhiim ah ayaa waxaa soo diyaariyay Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya. Dhanka kale ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya warbixin ka siiyay shirarkii uu kaga qaybgalay dalalka Niger, Jabuuti iyo Angola, kuwaas oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka cimillada, amniga iyo isu dheelitirka dhaqaalaha Afrika. The post Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites