Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo $411 milyan siinaya dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Ayada oo ay weli Soomaaliya ka jirto xaalad adag oo bani’aadanimo, isla-markaana ka dhalatay abaaraha ka jira waddanka ayaa dowladda Mareykanka waxay ku dhawaaqday lacag malaayiin dollar oo ay ugu talagashay Somalia.

Samantha Power oo ah madaxa hay’adda USAID ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay Somalia ugu deeqeyso $411 oo dheeri ah si loo xoojiyo gargaarka bini’aadanimada.

Lacagtan ayey sheegtay in wax looga qaban doono howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha nololeed ee ka dhashay abaaraha ka jira dalka.

Sidoo kale waxa ay xustay in kordhinta gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya ay hakisay macluushii la saadaalinayey bilo kahor, walow ay weli xaaladu tahay mid adag.

Mareykanka ayaa horey Soomaaliya ugu deeqay lacago malaayiin dollar ah, isaga oo sanadkan kaliya bixiyay illaa 1 $1.3 bilyan, taas oo wax looga qabanayo xaaladaha deg-dega ah, sida ay sheegtay madaxa ugu sarreeya ee hay’adda USAID Samantha Power.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo noq-noqday abaaraha, taas oo saameysay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, balse QM iyo dowladda ayaa sheegay in macluushii laga hortagay.

The post Mareykanka oo $411 milyan siinaya dowladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this