Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Bin Salmaan ayaa farriin hambalyo ah u diray xulka kubbadda cagta ee qaranka Morocco k

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa farriin hambalyo ah u diray xulka kubbadda cagta ee qaranka Morocco ka dib markii ay gaareen nus dhammaadka tartanka Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa telefoon u diray boqorka Morocco isagoo ku bogaadiyay guushii ay kooxda dalkiisa kasoo hoyisay ciyaartii rubac dhammaadka.

Caawa ayey Morocco ciyaarta nus dhammaadka la yeelan doonaan xulka qaranka Faransiiska, iyagoo isku arki doona garoonka Al-Bait Stadium.

Morocco ayaa Sabtidii si lama filaan ah Koobka Adduunka uga reebtay xulka Boortaqiiska oo uu u ciyaaro Cristiano Ronaldo.

Waxa ay sidaas ku dhigeen taariikh cusub, waxa ayna noqdeen kooxdii ugu horreysay ee Afrika ka socota ee u gudubta nus dhammaadka Koobka Adduunka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this