Sign in to follow this  
Che -Guevara

Hubkii dhowaan Dowladda Mareykanka ugu deeqday Dowladda KMG oo la la'yahay cid lagu a

Recommended Posts

Kadib markii dhowaan Dowladda Mareykanka ay ugu deeqday Dowladda KMG ee Soomaaliya Hub iyo saanado milateri oo gaaraya 10-kun oo Ton ayaa waxaa qeyb ka mid ah Hubkaas la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho.

 

Hubkan oo aan cadad ahaan la ogeyn ayaa waxaa la sheegayaa in todobaadkii hore ay keentay Muqdisho diyaaradaha xamuulka, kuwaasoo si qarsoodi ah loogu daabulay Bakhaaro waa weyn oo ku yaala Air Porka iyo Madaxtooyada.

 

Saraakiisha AMISOM ayaa la sheegay in si KMG ah gacanta ugu hayaan Hubkaas, waxaana ay aad uga ilaaliyaan saraakiisha kale ee Dowladda.

 

Mas'uuliyiinta Dowladda kuwooda dhinaca gaashaandhiga ayaa wada tashiyo ka leh sidii loo isticmaali lahaa Hubkan, iyadoona wali ay adag tahay cida sida fudud loogu aamini karo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Saraakiisha qaar ay iibsadaan Hub fara badan.

 

Madaxda Dowladda ayaa wali go'aamin cida ay ku aaminanaan Hubka, iyadoona cabsida jirta ay tahay in Hubkaas uu u gacan galo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo horay balan ugu galay inay qabsan doonaan oo xataa ay iibsanayaan.

 

Hubkan ayaa la sheegayaa inay ku jiraan Beebayaal iyo Qoryo casri ah oo fudud iyo rasaas kala duwan, waxaana qeyb ka ahay agabyo kale oo isugu jira dareys iyo jaakadaha iyo koofiyaradaha aan karin Rasaasta.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ciidamadii lagu qalabeyn lahaa Hubkaas shalay loo qaaday tababar,taasoo qeyb ka ah balanqaadkii mareykanka ee uu ugu yaboohay Dowladda 10-Milyan oo Doolar, taasoo Jabuuti looga dalbaday inay ku tababarto Ciidamada Dowladda

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this