Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dil ku xukuntay Rag lagu helay dilkii Nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221214_113921361-1.png?resize=8

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay laba nin oo ku eedaysan dilkii Nabaddoon Cabdiqani Xasan Walloore

Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan Shiikh Suufi oo da’diisu tahay 52 sano iyo Salaad Maxamed Cabdi oo 28 jir ah ayaa dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii ay qirteen dilkii Nabaddoonka.

Labada xukmane ayaa sidoo kale qirtay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab sida ay ku sheegeen muuqaal laga duubay oo ay soo bandhigtay Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

Marxuum Nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen Walloore ayaa lagu dilay dibadda masjid ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xilli uu ka soo baxay salaadda Cishe 16-kii bishii June ee sannadkan 2022.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dil ku xukuntay Rag lagu helay dilkii Nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this