Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalidu kuma baraarugsana dagaal dhaqameedka ku socda

Recommended Posts

Deeq A.   
20221214_120406.jpg?resize=400%2C281&sslDagaal dhaqan doorin ah erey buu ku billowdaa si marinhabaabin ah loo qeexo.

Muqdisho (Faallo PP) — Af iyo dhaqan xiriir ayaa ka dhexeeya. Go’aanka Qaamuuska Cambridge Online Dictionary ku beddelay qeexidda ereyga “dumar” waa qeyb ka mid ah dagaalka dhaqameed ka socda Galbeedka laakiin la doonayo in si tartiib tartiib ah loogu fidiyo dunida seddexaad.

Dagaalka hadda socda waa mid dhaqameed oo dunida seddexaad loo soo marinayo deeqaha ay dalalka hodanka ahi bixiyaan. Siyaasi reer Galbeedka ah ayaa sheegay in dowladdiisu lacag ku bixiso waxyaabaha ay dadkiisu ku dhaataan — qiyamka. Taasi macnaheedu waa: dalka gacanta deeqda la siinayo waxaa qasab ku ah inuu qaato yabooh shuruud ku xiran sida fidinta dhaqammada diinta Islaamku xaaraantimaysay.

Dadku ma ogaan karaan ujeeddooyinka deeq-bixiyayaasha haddii aysan ka warhaynin dagaal dhaqameedka socda oo ka soo horjeeda diinta Islaamka. Dad badan baa dhibsaday warkii ku saabsanaa Qaamuuska Cambridge oo soo bandhigay qeexid been ah oo ku salaysan dood marin habaabin ah. 10 sano ka hor dugsiyada dalal badan oo Galbeedka ah lagama dhigi jirin casharro carruurta lagu barayo in guurka nin iyo haweenay yahay guurkii hore. Ma aha manhaj dadku u codeeyeen; waa manhaj dadka dusha laga saaray kaddib markii Baarlamamaannadooda ay dejiyeen sharci waxbarashada u beddelay maskax-mayrid.

Dagaal dhaqameed ereyo ayuu ku billowdaa sida sinnaan iyo dulqaad oo Galbeedka ka leh macne ka horjeeda diinta Islaamka. Soomaaliya waa dal ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalalka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed nagu socda. In dadku ogaado wajiyada kala duwan ee dagaalkaas waxaa kaalin ka qaadan kara warbaahinta. Gacanta hoose (ummad deeq shisheeye ku tiirsan) waxay u nugushahay dhaqan doorin. Warbaahintu way gabaysaa kaalinteeda haddii aysan dadka la socodsiinin dagaalka dhaqaameed oo xowliga ku socda.

© Puntland Post, 2022

The post Soomaalidu kuma baraarugsana dagaal dhaqameedka ku socda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this