Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Badbaaday Codka Kalsoonida Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa salaasadii diiday dacwadda xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaaka dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa u codeeyay inay diidaan warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo helay caddaymo hor-dhac ah oo muujinaya in Ramaphosa laga yaabo inuu ku kacay anshax-xumo la xidhiidha lacag lagu qariyay beertiisa.

Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu baahisay ayaa Ramaphosa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu ka horyimid warbixinta maxkamada, balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku baaqay in uu is-casilo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this