Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG:  Weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday Isbitaalka Xoogga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxyo oo saaka lagu qaaday dhismaha isbitaalka Xoogga oo ku yaallo degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarkam ayaa waxaa fuliyau dabley hubeysan oo illaa labo bam gacmeed ku tuuray gudaha isbitaalka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu weerarka dhacayey ay afaafka hore xerada uu ku dhex yaallo isbitaalka ay ku sugnaayeen dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan uu sababay khasaare u badan dhaawaca, kaas oo lagu sheegay illaa 9 qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladdda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dhacayay weeraro kala duwan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.

The post DEG DEG:  Weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday Isbitaalka Xoogga dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this