Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Maxkamada Dastuuriga ah oo qorshaynaysa burinta Xeer-hoosaadka Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo la ansixiyay 8-dii bishan December ayaa si rasmi ah u shaqa bilaabaysa Todobaadkan.

Xubnaha cusub ee Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa lagu wadaa in ay shirkii u horreeyay yeeshaan Khamiista berri ah.

Xogo hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Maxkamadda Dastuuriga ah ay isu diyaarinayso soo saarista go’aanno cusub.

Xogaha ayaa caddaynaya in Maxkamaddu qorshaynayso burinta Xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland ee la meel-mariyay bishii July ee sannadkii hore 2021.

Xeer-hoosaadkan ayaa sheegaya in Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay xasaanadda ku waayi karaan 44 cod halka Dastuurka Puntland dhigayo 34 cod.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in Maxkamaddu ay burinta Xeer-hoosaadkan u cuskan doonto in aanu waafaqsanayn Dastuurka inkastoo aysan caddayn xilliga la soo saari doono go’aankaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Maxkamada Dastuuriga ah oo qorshaynaysa burinta Xeer-hoosaadka Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this