Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaamuuska Cambridge oo beddelay qeexidda ereyga ‘dumar’

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20221214-WA0000.jpg?resize=400%2C400Qeexidda cusub ee ereyga ‘dumar’ kuma salaysna saynis. Siyaasad ayay ku salaysan tahay.

London (Wararka PP) — Wargeyska maalinlaha The Times ayaa qoray in qaamuuska Cambridge Online Dictionary lagu dhaliilay beddelista qeexidda ereyga ‘dumar’. “Qaamuuska Cambridge oo Internetka laga akhrisan karo ayaa sameeyay qeexid dheeri ah ee ereyga [dumar]…” ayuu wargeysku wariyay.

Qeexidda Qaamuuska Cambridge ka bixiyay ereyga dumar marka la tarjumo waa sidan: “dumar: qof qaangaar ah oo u nool isuna taqaan dumar ahaan inkastoo laga yaabo inay lab ahayd markii la dhalay”.

IMG-20221214-WA0002.jpg?resize=266%2C81&

Tafaftirayaasha Qaamuuska Cambridge ayaa bishii Oktoobar beddelay qeexiddii hore ee ereyga kaddib “markay eegeen sida bulshadu u isticmaasho ereyga”.

IMG-20221214-WA0001.jpg?resize=819%2C106Sida Cambridge Dictionary u qeexay oo weedho u geliyay ereyga ‘woman’.

Qaamuuska Cambridge wuxuu sidoo kale wax ka beddelay qeexidda ereyga ‘nin’: “Qof qaangaar ah oo u nool isuna yaqaan nin ahaan inkastoo laga yaabo inuu dheddig ahaa markii la dhalay”.

Dadka dhaliilay qeexidda cusub ayaa sheegay in ololeyn muddo socotay ay sababtay wax ka beddelista qeexidda labada erey.

© Puntland Post, 2022

The post Qaamuuska Cambridge oo beddelay qeexidda ereyga ‘dumar’ appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this