Deeq A. Posted December 13, 2022 Puntland ayaa fasaxday labo diyaaradood oo maalmihii la soo dhaafay fadhiyay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir. Sida ay ogaatay Puntland Post, labada diyaaradood iyo shaqaalihii la socday waxay galabta ka duuleen Garoowe, kaddib markii baaritaan ay Puntland ku sameysay lagu xaqiijiyay in aysan wax kiis ah la hayn. Diyaaradaha oo la sheegay in ay u socdeen dalka Pakistaan ayaa Madaxweynaha Puntland ka shakiyay xilli uu garoonka ku sagootinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan dhab ah ku sameeya labada diyaaradood. PUNTLAND POST The post Puntland oo fasaxday diyaarado ku xanibnaa Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites