Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenkii Baarlamanka Midowga Yurub Oo Xilka Looga Qaaday Fadeexad La Xidhiidha Dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xidhiidha fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xidhiidho Qatar.

Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey inay xilkeeda lumiso Kaili. Waxa ay ka mid tahay lix qof oo ay xidheen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baadhitaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba lasii daayey.

Qareenada Kaili ayaa ku adkeystay in ayna wax dambi ah gelin.

Fadeexaddan ayaa la xidhiidha in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka, eedeymahaas oo ay beenisay.

Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka.

Qatar waa ay beenisay inay wax khalad ah sameysay.

“Sumacadda baalamanka Midowga Yurub ayaa mar walba muhiim ah,” ayey twitter kusoo qortay madaxweynaha baarlamanka, Roberta Metsola.

Michalis Dimitrakopoulos, oo ah qareenka Kali ee Greece, ayaa tidhi “mowqifkeeda waa in ayna waxba galabsan, taas ayaan kuu sheegi karaa.” Kaili ayaa u dhalatay dalka Greece.

“Wax shaqo ah kuma lahan maal-gelinta Qatar, waxba, si cad oo aan leexleexad lahayn,” Dimitrakopoulos ayaa sidaas u sheegay Open TV.

Dhowr dal oo Midowga Yurub ka mid ah oo uu ku jiro Jarmalka, ayaa sheegay in sumcadda 27-ka waddan ee Midowga ay halis ku jirto.

Sidoo kale, dalalka horey dhalleeceynta ugala kulmay Golaha, oo uu ku jiro dalka Hungary, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu lumiyey heerkii sare ee anshaxa.

“Wixii hadda ka dambeeya Baarlamaanka Yurub ma awoodo inuu si la aamini karo uga hadlo musuq-maasuqa,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Hungary Peter Szijjarto ku soo qoray Facebook.

Booliska Belgium ayaa Jimcihii ilaa Isniintii waxay baadhayeen 19 guri iyo xafiisyo uu leeyahay baarlamaanka, waxa ayna soo qabteen kombiyuutaro, taleefon gacmeedyo iyo lacag kaash ah oo qaarkeed laga helay shandad tiilay hotel ah.

Afarta qof ee lagu soo oogay dacwadda midkoodna si rasmi ah looma aqoonsanin, balse magaca Kaili ayaa si degdeg ah loogu dusiyey saxaafadda.

Reuters

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this