General Duke Posted April 29, 2007 Ra'isul-wasaaraha Somalia Md:- Cali Maxmed Geedi oo shir jaraa'id maanta ku qabtey Magaalada Muqdisho. Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somalia Cali Maxamed Geedi, ayaa maanta sheegay in xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah oo labisan dareeska ciidamada Dowladda ay dhibaatooyin ka wadaan magaalada Muqdisho.halkaan ka dhageyso Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 29, 2007 Cali Maxamed Geeddi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho Ra'iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo dhawr ah oo u badan soo celinta ammaanka iyo sharciga. Cali Maxamed Geeddi ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ay xasiloon tahay waxana uu xusay in ay jiraan rag wata direyska ciidamada oo aan ka tirsanayn ciidanka dawladda kuwaas oo isha lagu hayo. Waxaa uu ra'iisal wasaaruhu dadweynaha Muqdisho ugu baaqay in ay ka qayb qaataan soo celinta ammaanka iyo sharciga ciidamada dawladdana ay gacan siiyaan. Ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka militariga iyo booliiskuba ay amar buuxa qabaan isla markaasna ay gacanta ku soo dhigi doonaan cid kasta oo loo arko in ay liddi ku tahay kala dambaynta iyo nabadgelyada. Waxa uu maamulka cusub ee gobolka Banaadir ugu baaqay in ay qabsadaan hawlaha baaxadda leh ee hor yaalla oo ay ugu horrayso xasilinta iyo soo celinta nimaamka magaalada caasimadda ah. Shirka jaraa'id ee Prof Geeddi ayaa ku soo beegmaya saddex maalmood kadib markii dawladdu ay magaalada Muqdisho kaga awood roonaatay kooxihii rabshadaha. Axmed Aar SBC Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites