Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi audio

Recommended Posts

1283.jpg

 

Ra'isul-wasaaraha Somalia Md:- Cali Maxmed Geedi oo shir jaraa'id maanta ku qabtey Magaalada Muqdisho.

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somalia Cali Maxamed Geedi, ayaa maanta sheegay in xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah oo labisan dareeska ciidamada Dowladda ay dhibaatooyin ka wadaan magaalada Muqdisho.halkaan ka dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Maxamed Geeddi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho

 

Ra'iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo dhawr ah oo u badan soo celinta ammaanka iyo sharciga.

 

Cali Maxamed Geeddi ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ay xasiloon tahay waxana uu xusay in ay jiraan rag wata direyska ciidamada oo aan ka tirsanayn ciidanka dawladda kuwaas oo isha lagu hayo.

 

Waxaa uu ra'iisal wasaaruhu dadweynaha Muqdisho ugu baaqay in ay ka qayb qaataan soo celinta ammaanka iyo sharciga ciidamada dawladdana ay gacan siiyaan.

 

Ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka militariga iyo booliiskuba ay amar buuxa qabaan isla markaasna ay gacanta ku soo dhigi doonaan cid kasta oo loo arko in ay liddi ku tahay kala dambaynta iyo nabadgelyada.

 

Waxa uu maamulka cusub ee gobolka Banaadir ugu baaqay in ay qabsadaan hawlaha baaxadda leh ee hor yaalla oo ay ugu horrayso xasilinta iyo soo celinta nimaamka magaalada caasimadda ah.

 

Shirka jaraa'id ee Prof Geeddi ayaa ku soo beegmaya saddex maalmood kadib markii dawladdu ay magaalada Muqdisho kaga awood roonaatay kooxihii rabshadaha.

 

Axmed Aar

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this