Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ku-simaha madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay odayaasha dhaqanka G/Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Bakool ayaa guddoomiye Aadan Madoobe warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay.

Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, ayaga oo dowladda federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la-dagaalanka argagaxisada.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa odayaasha dhaqanka gobolka Bakool ku amaanay dadaalada ay ku doonayaan inay kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, islamarkaana ay gacan ka siineyso xoreynta deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Aadan Madoobe ayaa shalay gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaasi oo u tegay arrimo la xiriira howl-galka ka dhanka Al-Shabaab, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi iyo dardar-gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay.

318855005_2143224755883548_7198655211964 319407792_649051906920385_38562233041602 319666048_552432916754608_73923806129980 319498577_885061212650077_32298599317931 319356669_837508057504217_48307951675915 319498056_1283777099127107_1138496463553 318984333_684997793370066_59706205970786 319893306_1306314520159877_4827347318427

The post Sawirro: Ku-simaha madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay odayaasha dhaqanka G/Bakool appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this