Sign in to follow this  
Deeq A.

Eva Kaili oo xilka looga qaaday fadeexad musuq maasuq oo la xiriirta Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
022a0000-0aff-0242-48f2-08dadcff9f51_cx0

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili kadib markii lagu helay fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto Qatar.

Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey in ay xilkeeda lumiso Kaili. Waxay ka mid tahay lix qof oo ay xireen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba lasii daayey.

Fadeexaddan ayaa la xiriirta in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka Midowga Yurub, eedeymahaas oo ay beenisay.

Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka.

PUNTLAND POST

The post Eva Kaili oo xilka looga qaaday fadeexad musuq maasuq oo la xiriirta Qatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this