Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Qatar oo Ballan Qaad u Sameysay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Qatar ayaa balan qaadday in ay di dhab ah u xoojineyso xiriirkeeda dhinacyada kala duwan leh ee ay la leedahay Soomaaliya.

Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi oo ka hadlay munaasibadda maalinta qaranimada Qatar oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay dowladdiisa xoojineyso xiriirka siyaasadeed, saaxiibtinimo iyo Amni ay la leedahay dowladda Soomaaliya.

“Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan kawado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay martigelisay Koobka Adduunka, Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul & dareen shacab ka muuqda, xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya & Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale & iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka & danaha labada shacab ee walaalaha ah” ayuu yiri danjiraha Qatar ee Muqdisho.

Dowladda Qatar ayaa shantii sano ee la soo dhaafay waxa xiriir saaxiibtinimo oo dhaw lalaheyd dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this